Wadamada Carabta oo sameysanaya ciidan ka dhexeeya

Image

March 29, 2015 (GO)- Dalalka ku bohoobey ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku heshiiyey inay sameystaan ciidamo ka dhexeeya, tallaabadan oo noqoneysa tii ugu horreysey nooceeda laga soo bilaabo markii la dhisey ururkaas 1945.

War-murtiyeed kasoo baxay shir-madaxeedkii dalalka Carabta ee magaalada Sharm el Sheikh kusoo gaba gaboobey ayaa warkan lagu sheegay.

Waxaa sidoo kale war-murtiyeedka lagu taageeray duqeymaha Sucuudiga iyo xulafadiisu ka wadaan dalka Yemen.

Is-bahaysi Boqortooyada Sucuudigu hormuud ka tahay ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyey duqeymo ka wadey gudaha dalka Yeman.

Duqeymaha ayaa bartilmaameedkoodu yahay fariisimaha mileeshiyaadka Xuuthiga iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax.

Go'aanka dalalka ku bahoobey Jaamacadda Carabta ayaa kusoo aadaya xilli qalalaase siyaasadeed iyo dagaallo ka soconayan qaar badan oo kamid ah dalalka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM