Wadanka Belgium oo feejignaan galisay Brussels

Image

Xukuumadda Belgium ayaa kor u qaaday heerka feejignaanta amniga magaalada Brussels, waxayna xirtay xarumaha tareennada iyo gaadiidka laga raaco. Saraakiisha ayaa ka digay in weerar laga cabsi qabo inu dhaco.

Ra’iisul wasaaraha Belgium Charles Michel ayaa maantoo Sabti ah sheegay iinay jirto qeylo dhaan la xiriirta weerar argagixiso oo la mid ah kii Paris ka dhacay.

Ra’iisul wasaare Michel sheegay in uu jiro walaaca ah in ay jiraan shaqsiyaad ku hubeysan walxa qarxa in ay weerar qaadaan, kuwaasoo ay dhici karto in ay beegsadaan meelo kala duwan.

Bayaan horay uga soo baxay xukuumadda Belgium ayaa looga digay muwaadiiniinta dalkaasi in aysan tagin meelaha dadweynuhu isugu yimaadan sida xafladaha, goobaha dukaameysiga iyo meelaha laga raaco gaadiidka.

Saraakiisha Belgium ayaa joojiyey gaadiidka Metro ee dadweynaha raaco tan iyo maalinta berri.

VOA
 

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM