Waqtiga uu Aqalka Sare go'aan ka gaarayo xilka ka qaadista Trump

Image

WASHINGTON, US – Aqalka Hoose ee dalka Mareykanka ayaa Arbacadii isku raacay in xilka xayuubin lagu sameeyo madaxweyne Donald Trump oo laga gudbiyey mooshin abaabulan.

Go'aanka ugu dambeeya ee ku aadan xil-heynta Trump waxaa gaaraya Aqalka Sarre oo cod u qaadaya 9-ka Janaayo, 2020.

Saadaasha ayaa muujineysa in Aqalka Sarre uu ka hor-imaan doono xilka ka qaadista Trump, maadaama aqlabiyadda ugu badan ee golaha uu haysto xisbiga talada haya ee Jamhuuriga.

Xisbiga dimuqraadiga oo maamula Aqalka Hoose ayaa isku soo dabariday soo jeedinta ka dhanka ah Trump.

Eedeymaha ay u cuskadeen xilka ka qaadista Trump ayaa ah laba qodob; in uu ku kacay ku tagri fal awoodeed iyo in uu carqaladeeyay shaqadda Aqalka Hoose.

Hadii ay suurta-gasho in Trump xilka laga qaado, madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa noqonaya sii haayaha, inta laga gaarayo dhamaadka xilheynta oo ah January 20, 2021.

Sikastaba ha ahaatee, Donald Trump ayaa wuxuu noqonaya madaxweynihii saddexaad ee taariikhda Mareykanka xilka ka qaadis lagu sameeyo isagoo uusan ka dhamaan mudda xileedkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM