Wariyaal lagu xukumay Masar

Image

29 Augusto, 2015(GO)-Maxkamad ku taalla magaalada Qahir ayaa xukun dhan saddex sano ku riday wariyaal u shaqaynayay Telefishinka Aljazeera kuwaasi oo la xiray Jun 2014.

Masar ayaa wariyaashan ku haysata dambi ah inay faafiyeen warar khaldan iyo taageero ay sheegayaan inay u fidiyeen Akhwaanul Musliminta dalkaasi.

Wariyaashan oo kala ah  Baher Mohamed(Masar), Mohamed Fahmy(Canada) iyo Peter Greste oo u dhashay dalka Australia ayaa labo ka mid ah lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, halka Baher lagu xukumay lix bilood.

War ka soo baxay QM qeybta Xuquuqul insaanka ayaa lagu sheegey inay ka xunyihiin xariga wariyaasha waxayna sheegeen inay taasi ku tacadinayso xuquuqda wariyaasha iyo shaqadooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM