Wariye dacwad loogu soo oogay warar uu ka faafiyey caabuqa Karona

Image

KUALA LUMPUR, Malaysia – Haweenay wariye ah oo u dhalatay Malaysia ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in uu baqdin ku abuurtay dadweynaha markii uu Facebook soo dhigtay qoraalo ku saabsan Corona-virus.

Wan Noor Hayati Wan Alias, oo la shaqeeysa wargeys, isla markaana lasoo taagay maxkamad ayaa beenisay saddex eedeymo oo loo jeediyey.

Sidda ku cad gal-dacwadeedka loo gudbiyey xeer-beegtada Kuala Lumpur, Waan ayaa loo haystaa in uu jebisey shuruucda xeerineysa in ay mamnuuc tahay sheekooyinka cabsi ku abuuri kara shacabka.

Hase ahaatee, saxafiyadda ayaa gebi ahaanba meesha ka saartey eedeymaha kaga yimid xafiiska xeer-ilaalinta.

Dacwada laga gudbiyey Wan laguma xusin waxay ahaayeen fariimaha ay ku qortay Facebook, balse warbaahinta maxaliga ah waxay xustay in ay la xiriireen vayruska ka dilaacay Shiinaha.

Saxafiyadda oo 40-sano jir ah ayaa xabsi ku qaadan karta laba sano, waase hadii lagu helo mid kmaid ah dacwadaha lagu soo oogay.

Mas'uuliyiinta Malaysia, oo kamid ah wadamadda laga soo wariyey kiisas la xiriira Corona-virus, ayaa mar sii horeysay ka digay in baraha bulshadda lagu faafiyo warbixino abuuri kara "xaalado aan loo baahneyn".

Corona-virus oo la aaminsan yahay in uu ka dhasho cunista duurjoogta sida kibiliga ayaa la xaqiijiyey in uu dilay boqolaal isla markaana uu ku dhacay kumanaan kale; kuna qasbay kuwa kale in ay guryahooda ku negaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM