Wasiir is-casiley markii dhaqaale loo waayay wasaaradiisa

Image

ROME, Italy - Wasiirka Waxbarashadda Talyaaniga, Lorenzo Fioramonti, ayaa shalay xilkii iska-casiley markii dowladda ay bixin waysay dhaqaalihii wasaaradda shaqada ku qaban lahayd.

Lorenzo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters Arbacadii inuu shaqada ka tagey kadib markii uu ka heli waayay dowladda balaayiin Euros oo lagu hormarin lahaa Iskuulada iyo Jaamacadaha dalka.

Wasiirka wuxuu warqadda is-casilaadiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Giuseppe Conte Dec. 23.

Iscasilaada ayaa dhabarjab ku ah dowlada ay khilaafyadadda siyaasadeed la degeen, iyadoo xibiga haya talada madaxdiisa isku khilaafsanyihiin arimo u dhaxeeya isbadalka Yurub iyo xuquuqda muhaajiriinta.

Tani waxay hoosta ka xarriiqaysaa dhibaatooyinka dalka Talyaaniga ka jira inay noqdeen kuwa sii qoto-dheeraanaya, waxaana xukuumadii ugu dambeeyay lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo maamul xumo.

Talyaaniga oo kamid ah dalalka Warashada ku hormaray ee G20 loo yaqaano ayaa lagu tilmaamaa inuu safka hore kaga jiro wadamada aan siyaasadoodu deganeyn ee ku yaalla Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM