Wasiir is-casiley markii dhaqaale loo waayay wasaaradiisa

Image

ROME, Italy - Wasiirka Waxbarashadda Talyaaniga, Lorenzo Fioramonti, ayaa shalay xilkii iska-casiley markii dowladda ay bixin waysay dhaqaalihii wasaaradda shaqada ku qaban lahayd.

Lorenzo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters Arbacadii inuu shaqada ka tagey kadib markii uu ka heli waayay dowladda balaayiin Euros oo lagu hormarin lahaa Iskuulada iyo Jaamacadaha dalka.

Wasiirka wuxuu warqadda is-casilaadiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Giuseppe Conte Dec. 23.

Iscasilaada ayaa dhabarjab ku ah dowlada ay khilaafyadadda siyaasadeed la degeen, iyadoo xibiga haya talada madaxdiisa isku khilaafsanyihiin arimo u dhaxeeya isbadalka Yurub iyo xuquuqda muhaajiriinta.

Tani waxay hoosta ka xarriiqaysaa dhibaatooyinka dalka Talyaaniga ka jira inay noqdeen kuwa sii qoto-dheeraanaya, waxaana xukuumadii ugu dambeeyay lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo maamul xumo.

Talyaaniga oo kamid ah dalalka Warashada ku hormaray ee G20 loo yaqaano ayaa lagu tilmaamaa inuu safka hore kaga jiro wadamada aan siyaasadoodu deganeyn ee ku yaalla Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM