Wasiir ka cabanaya in aysan awoodin burburinta Masaajida

Image

PARIS, France – Shuruucda Faransiiska ayaa ka hortaagan dowladda inay xirto masaajida, siddaas waxaa sheegay Wasiirka Arimaha Gudaha, Gerald Darmanin oo soo saarey bayaan galinkii dambe ee Arbacadii, isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan masaajidada oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisadda ah.

"Shuruucda Jamhuuriyadda nooma ogolaanayaan in aan xirno guryahaas lagu cibaadeysto," ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Darmanin.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu xusay in 2,500 masaajid oo ku yaala dalka Faransiiska 89 kamid ah lagu tuhunsanyahay inay xiriir la leeyihiin kooxaha noocaas ah.

Darmanin wuxuu cadeeyay in France ay xirtay 17 ka mid ah masaajidada ilaa iyo hada sababo la xiriira "ku tumashada sharciga amniga".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa sidoo kale ka cawday in sharciyada hada jira ee Faransiiska kaliya ay ogol yihiin dowlada inay xirto masaajidada hadii la cadeeyo ku biirida argagaxisada ama ay ugu wacan tahay la'aanta xaalado sax ah oo ku saabsan goob dadweyne.

Darmanin oo u muuqdey mid ka xun sharuucda xakameyneysa wuxuu tibaaxay in sharciyada hada jira ay dowlada galiyeen "xaalad adag".

Islaam-nacaybka ayaa ku soo badanaya guud ahaan qaarada Yurub gaar ahaan Faransiiska iyadoo dowlada ay wado dagaal ka dhan ah waxa ay u aragto "xagjirnimada". Balse, bulshadda Muslimiinta waxay sheegayaan in ay dhibaneyaal u yihiin beegsi abaabulan oo ay hormuud ka yihiin mas'uuliyiin ka tirsan xisbiyada midigta fog.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Iiraan waxay u baryaysaa heshiis, waxaana miiska saaran inaan la wareegno saliidooda"

Trump ayaa ku faanay in hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Iiraan ay u socdaan si ka dhaqso badan sidii la filayay.

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 06:07PM

Israa'iil oo dishay Taliyihii Ciidamada Badda Iiraan xilli khasaaruhu sii kordhayo

In kasta oo bartilmaameedyadu u muuqdaan kuwo military, haddana khasaaraha dadka rayidka ah ayaa ah mid aad u baaxad weyn.

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 04:18PM