Wasiirka Maaliyada Kenya oo xabsi loogu taxaabay musuq-maasuq

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa maanta oo Isniin ah waxay xabsi u taxaabeen Wasiirka Maaliyadda wadankaasi.

Amarka lagu soo xiray Henry Rotich ayaa waxaa bixiyey dacwad oogaha guud ee dalkaasi Nuuradiin Xaaji, kaasi oo qoraal ku fahfaahiyey sababta.

Sida ku cad warka qoraalka ah, mas'uulkaasi ayaa waxaa loo haystaa eedeymo ku aadan musuq-maasuq lagu sameeyay dhismaha laba biyo xireeno.

Dacwadda loo haysto Henry oo ay ku wehliyaan 20 kale ayaa ku aadan mashruuc ay ku baxday aduun lacageed gaareysa 450-milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Mashruucaasi ayaa waxaa hirgelisay shirkad laga leeyahay wadanka Talyaaniga oo lagu magacaabo CMC de Ravenna.

Bishii Maaj ee sanadkan 2019-ka ayay ahayd markii uu beeniyay Rotich in uu sameeyay wax khalad ah

Sidoo kale shirkadda mashruucaasi ku guuleystay ayaa iyaddana iska fogeysay in ay sameysay wax is-dabamarin.

Kenya, waxa uu kamid yahay wadamada qaaradda Afrika ee kiisaska la xiriira musuq-maasuqa ay ku badan yihiin, wallow dowladdu dagaal ay kula jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo Google ku ganaaxay $3.5 bilyan; Trump oo cambaareeyay

Go’aankani wuxuu imaanayaa in ka badan laba sano kadib markii guddigu dacwadda rasmiga ah ka gudbiyay Google.

  • Caalamka

    07-09-2025

  • 06:42AM

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM