Wasiirada arimaha dibada Kenya oo u tartameysa madaxa ururka midowga Africa

Image

NAIROBI, Kenya- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo booqasho ku tagey dalka Namibia ayaa la kulmay dhigiisa Hage Geingob isagoo labalaabey dadaalka uu ugu jiro in dalkiisa ku guuleysto doorashada madaxa ururka midowga Africa.

Doorashada oo la filayo iney maanta dhacdo ayaa waxaa musharxiinta ugu cad cad wasiirada arimaha dibada dalka Kenya Amino Cabdulahi.

Tan iyo intii lagu dhawaaqey musharaxnimada Amino Cabdulahi ayaa Madaxweynaha dalka Kenya waxaa uu wafdiyo u kala direy 53 wadan.

Wadanka Namibia oo ka tirsanwadamada la isku yirahdo SADC ayaa waxay taagerayaan musharax  Pelonomi Venson-Moitoi.

Amino Cabdulahi ayaa sidoo kale la tartameysa musharaxiin ka kala yimid wadamada Equitorial Guinea, Chad iyo Senegal.

Wasiirada arimaha dibada dalka Kenya ayaa sidoo kale kulmisay maalmihii lasoo dhaafey 12 wadan oo la tirsan Barriga Africa kuwasoo u muujiyey iney tageerayaan musharaxnimadeeda.

" Wasiirada arimaha dibada wadamada Barriga Africa waxay isla garteen iney tageeraan musharaxooda islamarkaana wadahadal la galaan wadamada kale ee Africa" sidaas waxaa yiri wasiirada arimaha dibada Kenya.

Dhinaca kale waxaa doorashadaan saameyn balaaran ku leh wadamada Koonfur Africa, Naigeria, Ethiopia iyo Masar  kuwasoo ciidamo ahaan iyo dhaqaale ahaan awood badan leh.

GAROWEONLINE + Wakaaladaha 

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM