Wasiirka Gaashaan-dhigga Yemen oo xabsi-guri ka baxsadey

Image

March 8, 2015 (GO)- Wasiirka Gaashaan-dhigga Yemen Mahmoud al-Subaihi ayaa ka baxsadey xabsi guri muddo bil ah uu ku jirey magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

Al-Subaihi ayaa lagu soo waramayaa inuu u jiheystey dhanka magaalada Cadan ee ku taalla koonfurta, halkaasoo horay sidan oo kale labo asbuuc kahor Madaweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi u gaarey.

Kooxda shiicada ah ee Xuuthiyiinta ayaa xabsi guri geliyey mas'uuliyiin badan oo Hadi iyo Mahmoud al-Subaihi kamdi ahaayeen, kaddib markii ay February 6, 2015 la wareegeen aqalka madaxtooyada ee Sanca iyo xarumaha kale ee dowladda.

Dalka Yemen oo ay ku nool yihiin 25milyan oo qof kana mid ah dalalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta, wuxuu ku jirey xaalad degenaansho la'aan ah  laga soo bilaabo sanadkii 2012 markaasoo kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax.

Qaybo kamid ah dalka waxaa ka taliya xilligan mileeshiyaad xagjir ah oo ka tirsal al-Qaacida, halka qaybo kale oo badanna gacanta ku hayso kooxda Xuuthiga oo iyadu ah koox Shiico ah taasoo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka hesho dalka Iran. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM