Wasiirkii hore khayraadka iyo Batroolka Nigeria oo London lagu xiray

Image

03 Octobar, 2015(GO)-Qoyska wasiirkii hore khayraadka iyo Batroolka dalka Nigeria ayaa xaqiijiyay in dalka Britain lagu xiray Alison-Madueke.

Haweenayda lagu magacabo Alison-Madueke oo wasiir noqotay xilligii Madaxweyne Goodluck Jonathan muddo Shan sano ah ayaa looga shakisanyahay musuqmaasuq intii ay xilkaasi haysay.

Hay'adda dhanka dambiga u qaabilsan UK qaybteeda musuqmaasuqa caalamiga ah ayaa barteeda internetka ku shaacisay in 5 ruux ku xireen meelo kala duwan oo London ku yaalla.

Xarigga shakhsiyaadka ayaa qayb ka ah baaritaan lagu hayo dad looga shakisanyahay laaluush iyo dambiyo la xiriira lagaco la waayay halka lagu lumiyay.

Dhawaan Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa daboolka ka qaaday in xukuumaddiisu billowday baaritaanno ay ku samaynayso ganacsiga saliidda, si dib ugu soo ceshato wax uu ku tilmaamay balaayiin laga xaday dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM