Website-yada dowlada iyo xeerdejinta Ukraine oo "la jabsadey"

Image
Mas'uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in todobaadkan ay arkeen digniino dhanka internetka ah

KYIV, Yukreen - Dhowr website oo ay leedahay dowladda Yukreen, oo ay ku jiraan kan xukuumadda iyo wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa hawada uga maqan wax loo malaynayo in la jabsadey.

Mas'uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in todobaadkan ay arkeen digniino dhanka internetka ah oo sheegaya in tuugo ay isku diyaarinayeen inay weeraro waaweyn ku qaadaan hay’adaha dowladda, bangiyada iyo waaxda difaaca.

Ukraine ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacay weeraro dhanka Internetka ah oo Kyiv ay ku eedeysay Ruushka. Moscow ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay dhacdooyinka.

Ukraine ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah iyadoo laga cabsi qabo dagaal. Kyiv ayaa kula talisay muwaadiniinteeda inay kasoo baxaan gudaha waddanka Ruushka.

Moscow waxay wajahayaan cunaqabatayn saameyn doonta boqolaal Ruush ah sababo la xiriira talaabada Vladimir Putin uu 'Jamhuuriyad' ugu aqoonsadey dalal ku yaala bariga Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in danaha dalkiisa ay yihiin "aan laga gorgortami karin" balse Kremlin-ka waxay sheegtay inay wali furan yihiin diblomaasiyadda.

Xukuumadda Washington ayaa waxay shaaca ka dhigtey in dhaqdhaqaaqyada Ruushka ee Donbas ay muujinayaan bilowga "duulaanka" Ukraine, balse waa sheegasho ay beenisay xukuumada Moscow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan oo ku heshiiyay in ay si wadajir ah isaga difaacaan weerar kasta

Sidoo kale, heshiisku wuxuu dhigaya in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada.

  • Caalamka

    07-08-2026

  • 12:14PM

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM