Weerar lagu qaadey goobaha laga soo saaro Saliida Sacuudiga

Image

Diyaarado Drones ah ayaa weerar duqeyn ah ku qaadey Goobo shidaalka laga soo saaro oo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga, kuwaasoo ay maamusho shirkadda laga leeyahay dalkaasi ee Armaco.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa xaqiijisay, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka wasaaradda Arrimaha gudaha in la duqeeyay labo meel oo Armaco saliida ugu badan kasoo saarto oo ku yaalla Abqaiq iyo Khurais.

Weerarka oo dhacay maanta oo sabti ah ayaa sababay inuu dab xoog leh qabsado xaruumaha saliida laga soo saaro, waxaana markii dambe ay dowladdu sheegtay in lagu guuleystay deminta dabka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ma aysan sheegin halka laga soo qaadey weerarka iyo cida fulisay, balse waxay tilmaantay inuu socdo baaritaan, waxaana sidoo kale ka gaabsatay ka hadalka khasaaraha duqeynta.

Muuqaallo baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinaya in qiiq iyo holac kasoo baxaya goobta ku taalla Abqaiq, iyadoo la maqlayay rasaas aan la ogeyn waxay tahay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Bilooyinkii dambe, Xuutiyiinta ka dagaalanta Yemen ayaa fulisay weeraro isdaba-joog ah oo ay ku bartilmaameedsatay xaruumo muhiim ah oo ku yaalla dalka Sacuuida, sida Garoomo diyaaradeed iyo ceelaal saliida laga qodo.

Xuutiyiinta gacan-saarka la leh Iran, ayaa weeraradooda Sacuudiga ku tilmaamay kuwa ay uga aar-gudanayaan duqeymaha ay xulada Sacuudiga ka wadaan dalka Yemen tan iyo March, 2015.

Bishii lasoo dhaafay, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay weerareen Shaybah , oo ah xarun Armaco kasoo saarto gaaska dabiiciga ah, oo ku taalla dalka Sacuudiga.

Armaco ayaa ku qeexday Abqaiq inay tahay meesha ugu ballaaran ee laga soo saaro saliida ceyriinka ugu badan caalamka, waxaana ay 60-KM Koonfur-galbeed uga began tahay gobolka Dhahran ee bariga dalkaasi dhaca.

Xaruntan ayaa mar hore sanadkii February 2006 Ururka Al-Qaacida isku dayay inuu weeraro, balse laga hortay rag isku soo xiray wlxaha qarxa oo doonayay inay qarxiyaan.

Goobta labaad Khurais waxay 160km u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Riyadh, halkaasi oo Armaco ay sheegtay inuu ku jiro keyd saliid oo lagu qiyaasay 20 bilyan oo Fuusto.

Weerarada goobahan muhiimka ah eek u yaalla Sacuudiga ayaa saameyn ku yeelanaya qiimaha saliida suuqyada caalamka, maadaama Sacuudiga uu yahay dalka ugu horeeya ee soo saara.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM