WHO oo ku dhawaaqdey in Coronavirus yahay cudur faafaya

Image

WASHINGTON, US - Hay'adda caafimaadka aduunka "WHO" ayaa ku dhawaaqdey in cudurka caronavirus yahay mid faafaya "Pandemic"  kadib markii uu ku dhacey dad kor u dhaafaya 118000 kuwaas oo ku kala nool 114 wadan islamarkaana diley 4291 qof.

Waxaan ugu yeeraa maalin walba wadamada iney qaadaan talaabooyin adag oo degdeg ah. Waxaan Gambaleelka u yeerinaa dhawaaq dheer," sidaas waxaa yiri madaxa WHO Tedrod Adhanom maalinimadii Arbacada. 

Hogaamiyaasha dalalka ku bahoobey midowga Yurub waxay qaadayaan talaabooyin muhiim ah si ay u xakameeyaan faafida cudurkaan kaas oo markiisii hore ka soo bilowdey dalka China dhamaadkii sanadkii Hore.

Virus-kaan ayaa ku faafay dalka Mareykanka iyo dalal kale oo cusub sida Bolivia, Honduras iyo Turkey, halka Indonesia, Bulgaria iyo Sweden ay sheegeen in dadkii ugu horeeyey u dhinteen cudurkaan.

Dad ka badan 66,000 oo qof ayaa ka bogsoodey cidurkaan aduunka oo dhan, xogtaan ayaa laga soo xigtey jaamacada John Hopkins.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM