Wiil Soomaliyeed oo isku dilay Hanover Jarmalka

Image

11 November, 2015(GO)-Booliiska dalka Jarmalka ayaa gacanta ku haya kiiska wiil Soomaali ah oo la sheegay in toddobaadkan uu isku dilay magaalada Hanover ee bariga dalkaas.

Khaalid Cabdi Yuusuf oo ka mid dhallinyarada Soomalida oo ku sugan magaalada Frankfort ee Jarmalka, ayaa VOA-da u sheegay in wiilkan yar uu maskaxda ka xanuunsaday kadib markii loo diiday sharciga degenaanshaha dalkaas.

Dhacdadan ayaa wararku sheegayaan in aanay ahayn tan kaliya ee dalkaas ka dhacday, oo ay jiraan Soomaali hore isugu dilay dalka Jarmalka.

Sababta is-dilkan ayaa la sheegay in ay la xiriirto rajo beelka ay dhallinyarada qaarkood ka qaadeen nolosha Yurub, iyaga oo la kulma wax ka duwan wixii ay ku taamayeen, sida sharciga degenaansha..

Xigasho: VOA

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM