Wiil Soomaliyeed oo isku dilay Hanover Jarmalka

Image

11 November, 2015(GO)-Booliiska dalka Jarmalka ayaa gacanta ku haya kiiska wiil Soomaali ah oo la sheegay in toddobaadkan uu isku dilay magaalada Hanover ee bariga dalkaas.

Khaalid Cabdi Yuusuf oo ka mid dhallinyarada Soomalida oo ku sugan magaalada Frankfort ee Jarmalka, ayaa VOA-da u sheegay in wiilkan yar uu maskaxda ka xanuunsaday kadib markii loo diiday sharciga degenaanshaha dalkaas.

Dhacdadan ayaa wararku sheegayaan in aanay ahayn tan kaliya ee dalkaas ka dhacday, oo ay jiraan Soomaali hore isugu dilay dalka Jarmalka.

Sababta is-dilkan ayaa la sheegay in ay la xiriirto rajo beelka ay dhallinyarada qaarkood ka qaadeen nolosha Yurub, iyaga oo la kulma wax ka duwan wixii ay ku taamayeen, sida sharciga degenaansha..

Xigasho: VOA

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM