Wiil uu dhalay Mucaamir Qadafi oo lagu afduubtay Lubnaan

Image

12 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya dalka Lobnaan ayaa sheegaya in kooxa hubaysan afduub u gaysteen wiil ganacsade ah oo dhalay hogaamiyihii hore dalka Liibiya Mucamar Al-Qadafi.

Hannibal Gaddafi, ayaa markii dambe la sii daayay, waxaana ka muuqday jirdil loo gaystay kadib markii uu ka soo muuqday TV laga leeyahay Lubnaan.

Afduubkiisa ayaa loo malaynayaa inay la xiriirto wadaad Shiica ah oo lagu magacaabi jiray Moussa Al-Sadr oo la waayay 1978dii.Waxaana lagu eedayay dowladii waqtigaa jirtay ee Liibiya.

Wiilka uu dhalay Qadafi ayaa codsanayay waqtiga uu Tv-ga ka soo muuqday in la sheego taariikhda wadaadkaas.

Hannibal ayaa ah ganacsade, wuxuuna qabaa haweenay u dhalatay dalka Lobnaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM