Xaaska madaxweynaha Suuriya wajahaysa baaris culus

Image
Image
Image
Image
Image

LONDON, UK – Booliska Ingiriiska ayaa furay baaritaan ku saabsan eedeymaha sheegaya in Asma al-Assad, oo ah xaaska madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, ay ku lug-leedahay dhiiragelinta falalka “argagixisada” gudaha waddanka Syria.

Asma oo heysata dhalashada Ingiriiska iyo Siiriya ayaa laga yaabaa in lagala noqdo muwaadinimada UK hadii lagu helo dambiga, sida ay sheegtay warbaahinta.

Booliska Metropolitan-ka ayaa Axadii u sheegay Tv-ga Sky News inay "heleen horusocod" bishii Luulyo ee sanadkii hore "oo la xiriirta dagaalada Suuriya".

Qoraal kasoo baxay taliska bileyska UK ayaa lagu caddeeyay in ay qiimeynayaan saraakiil ka tirsan qeybta dambiyada dagaalka, ayaa lagu yiri qoraalka.

Kiiska ka dhanka ah al-Assad waxaa gudbiyey Guernica 37, oo ah sharikad caalami ah oo ka shaqeysa cadaaladda goobaha ay ka jiraan khilaafaadka iyo "dacwadaha meelaha ka baxsan xuduudaha si lamid ah ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah".

"Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagula xisaabtamayo mas'uuliyiinta sarsare ee siyaasadeed falalkooda iyo in la hubiyo in dowlad, iyadoo loo marayo hanaan sharci oo madax-bannaan oo aan eex lahayn, ay mas'uul ka tahay ficillada muwaaddiniinteeda," ayay Guernica 37 ku tiri hadal ay soo dhigtay barteeda.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Maaddaama [ay] tahay muwaadin Ingiriis ah, waxaa muhiim ah in ay wajahdo xukun haddii caddeymuhu ay taageeraan eedeynta oo aan kaliya laga qaadin muwaadinnimadeeda. Tani waa geedi socod muhiim ah oo kaliya waa sax in cadaalada la horgeeyo maxkamada Ingriiska".

Toby Cadman, oo ah aasaasaha Guernica 37, ayaa u sheegay Al Jazeera in marwada koowaad ee Syria ay ka qeyb qaadatay dambiyada, isaga oo rajeeyay in booliska ay si daahfuran baaritaanka ugu sameyn doonan xaaska hogaamiyaha taliska Baashaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM