​Xabaal wadareed laga helay Palmyra

Image

Saraakiisha ammaanka dalka Suuriya, ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ammaanka dalkaasi heleen xabaal lagu aasay ku dhawaad 40 ruux ku jiraan haween iyo carruur, wax tacadigaasi lagu eedayay kooxda Daacish oo muddo magaalada taariikhiga ah gacanta ku haysay.

Dadka dhintay ayaa dhammaantood lagu aasay hal good, waxaana loo malaynayaa in dhammaantood waqti isku mid ah la dilay.

Lama sheegin sababta loo dilay, balse waxaa la tuhmayaan inay kamid tahay tacadiga kooxda ISIS.

Ciidamada Assad ayaa magaalada Qadiimiga ah ka qabsaday ISIS Axaddii la soo dhaafay.

Palmyra, oo ku jirta liiska goobaha taariikhiga ah ee Hey’adda  Seyniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee marka la soo gaabiyo la yiradhdo UNESCO, ayaa horey u aheyd magaalo ay u dalxiis tagaan kumanaan kun oo qof sanad walba.

ISIS  ayaa magaaladaa ka qabsatay ciidmada dowladda dagaal maalmo socday bartamihii bishii May ee sanadkii 2015kii, iyagoo markii dambana burburiyay – dhismooyin badan oo la dhisay xilligii boqortooyadii Romanka, muddo ku dhawaad 2,000 oo sanadood haatan laga joogo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM