Xasaasiyadda laga qaado lawska oo dawo loo helo

Image

Mareykanka ayaa ansixiyay dawadii ugu horreysay ee loogu talagalay xasaasiyadda ay lawska ka qaadaan dadka, gaar ahaan carruurta.

Dawada oo lagu magacaabo AR101, ama Palforzia, waxaa laga qaataa afka, iyadoo carruurta laga siinayo wax aad u yar, balse waxay sare u qaadeysaa nafaqada lawska muddo lix bilood ah, waxaana loo baahan yahay in dhakhtar uu si dhow ula socdo xaaladda qofka.

Markaa ka dib, dadka isticmaalaya waa in ay qaataan maalin kasta si jirkooda uu ugu dulqaato xasaasiyad ka dhalan karta cunidda lawska.

Dawadan ma wada bugsiineyso xanuunka, seynisyahannada sameeyayna, waxay ka digayaan xasaasiyadda suuragalka ah in ay ka dhalato oo halisteeda ay sii jiri karto.

Bukaannada waa in ay sii wadaan ka fogaanshaha cunista lawska.

Lawska waa cuntada laga qaado xasaasiyadda ugu badan, iyadoo tirada dadka ku xanuunsada lawska ay sare u sii keceysay sannadihii la soo dhaafay.

BBC

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM