Xasan Sheekh oo tacsi u direy dalka Imaaraadka Carabta

Image

07 September, 2015(GO)- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Madaxweynaha dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayid Al Nahyan iyo shacabka Imaaraadka, isagoo uga tacsiyadeeyay dilkii 45 askari oo lagu dilay dalka Yemen.

‘’Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto geesiyaasha dhintey, waxay naftooda ku waayeen iyagoo difaacaya qaddiyad ku dhisan xaq iyo caddaalad, dhimashadoodana ma hakin doonto taageerada Jaamacadda Carabta ay ka geysaneyso nabad ka aslaaxinta Yemen’’Ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa askarta dhimatey Ilaahay uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, qoysaskii iyo shacabka ay ka tageenna uu Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.

Ciidammadan ayaa qeyb ka ahaa isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo ee taageeraya dowladda ka jirta Yemen, waxaam weerar dhacay Jimcihii lagu diley 45 askari oo u dhashay Imaaraadka Carbta, 10 askari oo laga diley Sucuudiga, waxaa sidoo kale jiray 5 askari oo ka timid Baxreyn oo goobtaasi ku dhimatay iyo tiro aan la sheegin oo kamid ah ciidamada Yemen.

Askarta ka dhimatay dalka Imaaraadka ayaa Aas Qaran loo sameeyay dalkaasi waxaana lagu dhawaaqay Saddex bari oo baroor diiqa ah, halka weerar aargudasho ah laga fuliyay dalkaasi Yemen waxaan qaaday Diyaaradaha daagaalka ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM