Xeer-ilaaliyaha guud ee Masar oo qarax lala beegsaday

Image

June 29, 2015 (GO)- Kolonyo uu la socdey xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Masar ayaa qarax lagula beegsaday magaalo madaxda dalkaas ee Qaahira.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Xeer-ilaaliye Hisham Barakat iyo kolonyadiisa qarax lala beegsaday xilli uu marayey xaafadda Masarta Cusub.

Sarkaalka ayaa xusay in Xeer-ilaaliyaha iyo labo ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah oo dhaawac fudud qaba loo qaaday isbitaalka.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi geystey, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM