Xero la karan-tiilay markii 20 qaxooti ah laga helay Coronavirus

Image

ATHENS, Greece – Dowladda Greece ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay Coronavirus ka heshay qaxooti tiradoodu ay gaareyso 20 ruux.

Soo galootiga ayaa waxay ku sugan yihiin xerada lagu magacaabo Ritsona oo ku taala bartamaha waddankas dhaca Balkans-ka.

Xeradaas ayaa waxay marti gelisaa muhaajiriin tiradooda ay gaareyso 2,300, sidda ay sheegtay Wasaaradda Socdaalka dalkaas.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in ay la karan-tiilay dhamaan dadka ku dhaqan xerada, si looga hortago faafitaan horleh.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in ay baarayaan halka ay kasoo qaadeen qaxootiga qaadey fayruskaas dilaaga ah.

Kiisaska Covid-19 ee gudaha dalka Greece ayaa ka badan boqolaal, iyaddoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ay jirto geeri.

Xukuumadda Athenes ayaa mar sii horeysay qirtay in qaxootiga ay u nugul yihiin xanuunka, kuna dedaaleyso badqabkooda.

Greece ayaa kamid ah wadamada dhaca qaarada Yurub ee aad ay ugu qulqulaan qaxootiga ka caraya wadamada colaaduhu ka jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM