Xiisad cusub oo ka dhex-qaraxdey dalalka Pakistan iyo Hindiya

Image

NEW DEHLI, India – Hindiya ayaa xaqiijisay in ay dalkeeda ka eriday laba mas'uul oo ka tirsanaa safaaradda Pakistan ee New Dehli, talaabadaas oo labadda dal ee ku hubeysan Nuk-liyeerka ka dhex-qarxisay xiisad cusub.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda New Dehli ayaa ku eedeysay shaqaalahaas in ciidamadda ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen "iyagoo faraha kula jiro howlo basaasnimo ah".

Dhigeeda Islamabad oo eedeyntaas ku sifeysay "been abuur aan sal iyo baar lahayn" ayaa sheegtay in ay cambaareyneyso, waxayna su'aallo ka waydiistay ergayga India u jooga waddankaas.

Mas'uuliyiinta la ceyriyay ayaa laga talaabiyey xuduudka Wagah, sidda uu sheegay afhayeen u hadlay safaaradda Pakistan. Magacyadooda looma soo bandhigin saxaafada "si loo ilaaliyo sumcadooda"

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa war qoraal ah ku shaacisay in wakiiladeeda u jooga Hindiya ay wajahayaan jirdil, cagajugleyn iyo cadaadis diblumaasiyadeed "oo aysan aqbali karin".

Dalalkan deriska ah ee dhaca koonfurta Asia ayaa taariikh u leh in ay soo kala eryaan diblumaasiyiin iyagoo ku eedeynaya basaasnimo. Muran raagay oo ku saabsan maamulida Kashmir wuu dhexyaalaa.

Dagaalo lagu eedeeyay in ay hurinayaan isla markaana u dhaxeeya maleeyshiyaad labada dhinac kala taabacsan oo gobolkaas ku dhexmaray ayaa galaaftay nolosha kumanaan shacab ah. 500,000 ciidanna way joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM