Xiisad cusub oo ka dhex-qaraxdey dalalka Pakistan iyo Hindiya

Image

NEW DEHLI, India – Hindiya ayaa xaqiijisay in ay dalkeeda ka eriday laba mas'uul oo ka tirsanaa safaaradda Pakistan ee New Dehli, talaabadaas oo labadda dal ee ku hubeysan Nuk-liyeerka ka dhex-qarxisay xiisad cusub.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda New Dehli ayaa ku eedeysay shaqaalahaas in ciidamadda ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen "iyagoo faraha kula jiro howlo basaasnimo ah".

Dhigeeda Islamabad oo eedeyntaas ku sifeysay "been abuur aan sal iyo baar lahayn" ayaa sheegtay in ay cambaareyneyso, waxayna su'aallo ka waydiistay ergayga India u jooga waddankaas.

Mas'uuliyiinta la ceyriyay ayaa laga talaabiyey xuduudka Wagah, sidda uu sheegay afhayeen u hadlay safaaradda Pakistan. Magacyadooda looma soo bandhigin saxaafada "si loo ilaaliyo sumcadooda"

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa war qoraal ah ku shaacisay in wakiiladeeda u jooga Hindiya ay wajahayaan jirdil, cagajugleyn iyo cadaadis diblumaasiyadeed "oo aysan aqbali karin".

Dalalkan deriska ah ee dhaca koonfurta Asia ayaa taariikh u leh in ay soo kala eryaan diblumaasiyiin iyagoo ku eedeynaya basaasnimo. Muran raagay oo ku saabsan maamulida Kashmir wuu dhexyaalaa.

Dagaalo lagu eedeeyay in ay hurinayaan isla markaana u dhaxeeya maleeyshiyaad labada dhinac kala taabacsan oo gobolkaas ku dhexmaray ayaa galaaftay nolosha kumanaan shacab ah. 500,000 ciidanna way joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM