Xiisad ka taagan Burundi iyo Nkurunziza oo loo diidey inuu dalka kusoo noqdo

Image

May 14, 2015 (GO)- Rasaas ayaa laga maqlayaa bartamaha caasimadda Burundi halkaas oo uu ka dhacay iskuday inqilaab ka dhan ah madaxwayne Pierre Nkurunziza.

Waxaa la soo sheegayaa in haatan ciidammada dalka Burundi ay u kala jabeen laba dhinac; koox taageersan inqilaabka iyo kuwa ka soo horjeeda.

Janaraal Godefroid Niyombareh, ayaa ku dhawaaqay in la dhisay guddiga badbaadinta qaranka si ay dalka u maamulaan, balse yeeshee, ma cadda inta ay dhantahay taageerada isaga iyo saraakiisha kaleba ay haystaan.

Dib u laabasho ma suurtagelin
Sarkaal ka tirsan Dawladda Tanzania ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, aysan u suurta galin in uu dib ugu noqoda dalkiisa, si uu ula tacaalo inqilaabka dhacay.

Diyaaradii waday waxa ay dib ugu noqotay Tanzania, halkaas oo uu kaga qeybgalay kullan madaxeedka wadammada gobalka Bariga Afrika ee looga hadlayay xaalada dalkiisa.
Waxaa loo sheegay in diyaaraddii siday aysan ka degi karin garoonka Bujumbura oo ay gacanta ku hayaan kuwa afgembiga sameeyay.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza

Madaxwayne Nkurunziza waxa uu diiday baaqyadii loo soo jeedinayay ee ku aadanaa in uu ka laabto in uu isu sharaxo markii saddexaad doorasha la qorsheeyay in la qabto bisha soo socota.

51 jirkan horay u ahaa hogaamiye jabhad waxa uu ku doodayaa in markii koobaad ay baarlamaanku doorteen 2005, sidaas daraadeedna aan loo xisaabin, oo uu xaq u leeyahay labo jeer oo ay shacabku doortaan.

Xigasho: BBC

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM