Trump oo ciidamo diraya xili xiisada Iran iyo Mareykanka ay sii kordhayso

Image

WASHINGTON - Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu wadaa inay Aqalka Cad ku war-geliso suurta-galnimada kumanaan ciidamo Mareykan oo dheeraad ah oo loo diro Bariga Dhexe, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Codsiga ku saabsan ciidamada dheeraadka ah oo ka yimid Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa maanta loo gudbin doonaa Aqalka Cad, sida ay sheegeen saraakiil codsaday inaan magacyadooda la shaacin.

Ma cadda haddii Aqalka Cad uu ansixin doono codsiga dhammaan ciidamada ama qaar ka mid ah, iyo sidoo kale habka difaaca gantaallada ee Patriot iyo maraakiib dagaal.

Arrintan ayaa imanayesa ayada oo ay sii kordheyso xiisadda ka dhex-oogan Mareykanka iyo Iran, kdib markii madaxweyne Trump uu Iran saaray xayiraad meel hoose gaysay saliiddii ay dhoofin jirtay islamarkaana uu kordhiyey joogitaanka ciidamada Mareykanka ee khaliijka, ayada oo laga jawaabayo halis la sheegay inay ka imaneyso Iran.

In kasta oo marar badan uu jeediyey hadallo hanjabaado ah, haddana Trump ayaa sii-hayaha xog-hayaha gaashaandhigga Patrick Shanahan u sheegay inuusan dooneyn inuu dagaal la galo Iran.

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM