Xildhibaan ka tirsanaa Barlamanka Kenya oo Nairobi lagu toogtey

Image

February 7, 2015 (GO)- George Muchai  oo ahaa xildhibaan ka tirsan barlamanka Kenya ayaa saaka lagu toogtey bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dabley hubeysan oo wejiga soo duubtey islamarkaana watey gaari yar oo niiciisu ahaa Toyota Probox ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen gaariga xildhibaanka xillu taagnaa goob wargeysyada laga gato oo ku talla wadada Avenue-Uhuru.

Weerarka waxaa sidoo kale ku geeriyoodey dareewalkii wadey gaariga xildhibaanka iyo labo nin oo ilaalo u ahaa.

Saraakiil ka tirsan hay'adaha ammaanka Kenya oo daqiiqado kadib goobta soo gaarey ayaa sheegay inay baaritaan wadaan kuna raad joogaan shaqsiyaad laga shekiyey.

Mas'uuliyadda dilka weli cidi ma sheegan, haseyeeshee Al-shabaab ayaa horay weeraro uga geysan jirtey gudaha dalka Kenya.

George Muchai oo barlamanka Kenya kusoo biirey sanadkii 2013, wuxuu noqonayaa xildhibaankii ugu horreeyey ee ka tirsan barlamanka Kenya ee weerar qorsheysan lagu dilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM