Xildhibaanad Mareykan ah: "Waxaa ka badbaadey tacadi jinsi"

Image

WASHINGTON, US – Haweenay kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Mareykanka laguna magacaabo Alexandria Ocasio-Cortez ayaa shaaca ka dhigtay in ay ka badbaadey kufsi ama tacadi dhanka jinsiga ah.

Hadalkan ayay ka dhawaajisay xilli ay ka hadleysay naxdinta ay ka qaadey rabshadihii Aqalka baarlamaanka Mareykanka ee loo yaqaano Capitol-ka ka dhacay bishii lasoo dhaafay ee Janaayo, 2021-ka.

Ocasio-Cortez ayaa ku eedeysay Jamhuuriyiinta in ay adeegsanayaan "xeeladaha kuwa tacadiyada geysta" isla markaan ay u sheegayaan mudaneyaasha in ay "kasii socdaan" ficiladda ay naxdinta kala kulmaan.

Xildhibaanadan laga soo doorto New York ayaa kamid ahayd sharci-dejiyeyaasha aad uga soo horjeeda siyaasadda maamulkii Donald Trump.

"Aniga waxaan ka badbaadey tacadi jinsiyadeed," ayay ku tiri wareysi ay ku bixisay Instagram Live. Iyadda oo ilmeyneysa ayay ku dartay: "Dad badan noloshadeda abid ugama aanan sheekeynin arrintaas".

31-jirtan oo isku tilmaamtay dimuqraadi furfuran ayaa bixisay tafaasiil kooban oo ku saabsan weerarka dhanka jinsiga ah ee lagu soo qaadey. "Markii aad naxdo, naxdinta waxay waxyeeleyneysaa labadda dhinacba".

Alexandria Ocasio-Cortez oo baarlamaanka Mareykanka ka tirsan tan iyo sanadkii 2019-kii waxay xulafo yihiin Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaali-Ameerikaan ah oo sidoo kale ka tirsan Aqalka Hooe ee xeer-dejinta USA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM