Xildhibaanada mucaaradka Venezuela oo lagu eedeeyay khiyaano qaran

Image

CARACAS, Venezuela - Maxkamada Sare ee Venezuela ayaa tobban Xildhibaan oo mucaarad ah waxay ku eedeeysay in ay ku kaceen falal liddi ku ah qaranimadda wadankaasi.

Mudaneyaasha ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in ay sameeyeen falal dhiirogelinaya "cadowga dalkaasi" oo haatan dhexda uga jira khalalaaso siyaasadeed.

Sharcidejiyaasha ayaa la sheegay in ay ka taageereen Juan Guaidó, hogaamiyaha mucaaradka, kaasi oo ku fashilmay isku day uu ku doonayo in uu inqilaab ku sameeyo.

Guaidó ayaa waxay aad isugu hayaan Nicolás Maduro, madaxweynaha wadankaasi qaarada Ameerika dhaca, waxaana laga cabsi qabaa in jahwareerka uu ii socodo.

Labadaan nin oo ay kala taageerayaan Mareykanka iyo Ruushka ayaa isku haya xukunka wadankaasi oo xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto tan iyo bilowgii sanadkaan.

Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in uu doonayo in uu daaqada ka saaro Maduro, kaasi oo aragti ahaan ay iska soo horjeedaan, inkasta oo taageerada ciidamada uu haysto.

Dacwadda lagu soo oogay tobbankaan mudane ayaa kusoo beegmeysa in Xildhibaano kale oo lasoo xiray todobaadkii hore lagu soo eedeeyay isla eedeymo tan lamida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM