Xisbiga Likud oo hoggaaminaya doorashada guud ee Israel

Image
Image
Image

March 18, 2015 (GO- Natiijada hordhaca ah ee kasoo baxaysa doorashadii guud ee shalay ka dhacday Israel ayaa muujineysa in xisbiga Likud uu waxyar ka horreeyo xisbiga Sahyuuniga ah ee bidix dhexe.

70% codadka doorashada ayaa la tiriyey, waxaana 23. 73%  ku hoggaaminaya xisbiga Likud ee Ra'isal Wasaare Benjamin Netanyahu ka tirsan yahay ,halka xisbiga Sahyuunigu haysto 19.06% codadka ilaa iyo hadda la tiriyey.

Benjamin Netanyahu ayaa goor hore shaaciyey in xisbigiisu ku guuleystey doorashada, balse Isaac Herzog oo ah hoggaamiyaha xisbiga loolanka kula jira, ayaa sheegay in natiijada aan laga hordhici karin maadaama tirada codadka labada xisbi heleen ay aad isugu dhow dahay.

Doorashadan ayaa ahayd tii ugu xamaasadda badneyd ee in muddo ah ka dhacda Isreal, waxaana loo tartamayaa kuraasta barlamanka oo guud ahaan tiradoodu tahay 120 kursi.

Haddii xisbiga Likud ku guuleysto doorashada, waxay taasi fursad u siineysaa Benjamin Netanyahu in markii afraad uu dalkaas Ra'isal Wasaare ka noqdo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM