Xisbiga Likud oo hoggaaminaya doorashada guud ee Israel

Image
Image
Image

March 18, 2015 (GO- Natiijada hordhaca ah ee kasoo baxaysa doorashadii guud ee shalay ka dhacday Israel ayaa muujineysa in xisbiga Likud uu waxyar ka horreeyo xisbiga Sahyuuniga ah ee bidix dhexe.

70% codadka doorashada ayaa la tiriyey, waxaana 23. 73%  ku hoggaaminaya xisbiga Likud ee Ra'isal Wasaare Benjamin Netanyahu ka tirsan yahay ,halka xisbiga Sahyuunigu haysto 19.06% codadka ilaa iyo hadda la tiriyey.

Benjamin Netanyahu ayaa goor hore shaaciyey in xisbigiisu ku guuleystey doorashada, balse Isaac Herzog oo ah hoggaamiyaha xisbiga loolanka kula jira, ayaa sheegay in natiijada aan laga hordhici karin maadaama tirada codadka labada xisbi heleen ay aad isugu dhow dahay.

Doorashadan ayaa ahayd tii ugu xamaasadda badneyd ee in muddo ah ka dhacda Isreal, waxaana loo tartamayaa kuraasta barlamanka oo guud ahaan tiradoodu tahay 120 kursi.

Haddii xisbiga Likud ku guuleysto doorashada, waxay taasi fursad u siineysaa Benjamin Netanyahu in markii afraad uu dalkaas Ra'isal Wasaare ka noqdo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM