Xukuumada cusub ee DF Somalia oo la filayo in lagu dhawaaqo

Image

MUQDISHU Feb 5, 2015 [ GO]- Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in la filayo caawa ilaa berri in lagu dhawaaqo golaha xukuumada cusub iyadoo diyaar garow uu ka socda xafiisyada madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid.

Xukuumada lagu dhawaaqayo ayaa la filayaa in lagu daro Shanta wasiir oo dhiman, ku-xigeeno, wasiiru dowlayaal iyo in wax laga badalo magacyada 20-ka wasiir oo horey loo magacaabey.

Barlamanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa Ra'isal wasare Cumar Cabdirashid horey u siiyey muddo Toban cisho taasoo ku eg maalinta Isniinta soo socota.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa maalmo soo hormarin doona magacaabistaan hadii sida la filayo caawa ilaa berri lagu dhawaaqo xukuumada cusub iyadoo uu rabo inuu ogodaado sida xildhibaanada u arkaan magacaabista golaha cusub.

Waxaa la filayaa in wasiir ku-xigenada iyo wasiiru dowlayaasha noqdaan xubno ka tirsan kudladaha Barlamanka Federaalka kuwaasoo horey u diidey labo xukuumadood ee lasoo magacaabey.

Magacaabistaan ayaa ku soo beegmeysa xili magaalada Muqdishu ku sugan yihiin madaxweynayasha maamulada Puntland, jubaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Heshiiska Gaza: Guul Diblomaasiyadeed mise Bilowga Dhamaadka Netanyahu?

Arrintan ayaa khatar gelisay taageerada siyaasiyiinta xagjirka ah ee Netanyahu…

  • Caalamka

    10-10-2025

  • 06:48AM

Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

adaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka.

  • Caalamka

    08-10-2025

  • 04:23PM