Xuutiyiinta oo duqeeyay Xarumaha shidaalka Sacuudiga

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Xuutiyiinta ayaa maalintii shalay oo Axad ahayd waxa ay diyaarado iyo gantaallo ku garaaceen xudunta warshadaha saliida ee Sacuudi Carabiya, iyaga oo weeraraya xarun ay leedahay shirkadda Aramco ee ku taal Ras Tanura, weerar ay boqortooyaddi ku sheegtay in lagu wiiqayo amniga iyo xasiloonida bixinta tamarta adduunka.

Xuutiyiinta oo iclaamiyey weerarada ayaa sidoo kale tilmaamay inay weerareen bartilmaameedyo militari oo ku yaal magaalooyinka Sacuudiga ee Dammam, Casir iyo Jazan.

Wasaaradda Tamarta ee Sacuudiga ayaa xustey in barxad lagu keydiyo saliida oo ku taal Ras Tanura, oo ah xarunta ugu weyn aduunka ee laga soo saaro shidaalka, in lagu weeraray diyaarad aan duuliyaha laheyn laakiin ma jirin wax qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

"Mid ka mid ah aagagga haanta batroolka ee Dekedda Ras Tanura ee Gobolka Bariga, oo ka mid ah dekedaha ugu waaweyn ee saliidda adduunka, ayaa waxaa saakay soo weerartay diyaarad Drone ah, oo ka timid badda," ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay marsiisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.

Waxay intaa ku dartay in firir ka yimid gantaal ballistic ah uu ku dhacay meel u dhow guri dad shacab ah kuna yaal Aramco ee Dhahran.

"Falalka noocan oo kale ah burburinta ma ahan oo kaliya bartilmaameedka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, laakiin sidoo kale amniga iyo xasilloonida sahayda tamarta ee adduunka, iyo si lamid ah, dhaqaalaha adduunka," afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa war-saxaafadeedka.

Afhayeenka Xuuthiyiinta Yahya Sarea ayaa carabka ku dhuftay in kooxdu ay 14 diyaaradood iyo sideed gantaal oo nooca ballistic-ga ah ay ka rideen xadka ay la wadaagaan boqortooyada iyagoo “howlgal balaaran ka fuliyay bartamaha Sacuudi Carabiya".

Tan iyo markii Sacuudiga iyo xulafadiisa ay bilaabeen howlgalka ay ku taageerayaan dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Yemen kaasoo bilowday dhowr sano kahor, Xuutiyiinta oo ay taageerto Iiraan waxay si joogta ah gantaalo ugu garaacayeen gudaha Sacuudi Carabiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM