Xuutiyiinta oo mar kale gantaalo ku weeraray Sacuudi Carabiya

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Mas'uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay ka hortageen saddex gantaal oo ah nooca ballistic-ga oo lala beegsaday gobolka bari ee hodanka ku ah saliidda iyo sidoo kale magaalooyinka Najran iyo Jazan ee koonfurta dalkan.

Ma jirto sheegasho degdeg ah oo ah cidda mas'uulka ka ah weerarradan dhacay Sabtidii, balse isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyay kooxda fallaagada ee Iiraan taageersan.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dhacdadan oo ay soo wariyeen mas'uuliyiinta Sacuudi Carabiya kuwaasoo ka gaabsadey in ay tafaasiil dheeriya ka bixiyaan.

Ilo xog ogaal u ah arrintan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in gantaalka oo ku wajahnaa gobolka bari lagu qabtay magaalada Dammaam.

Gantaal ka yimid gantaalka oo ku kala firdhay xaafadda Dammam ayaa dhaawacay laba carruur ah oo Sacuudi ah, halka 14 guri ay soo gaareen dhaawacyo fudud, sida ay sheegtey wakaaladda wararka ee SPA, iyada oo xiganaysa bayaan ay soo saartay wasaaradda difaaca.

Goor sii horreysay, isbahaysiga ayaa sidoo kale soo wariyay ka-hortagga saddex diyaaradood oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku sii jeeday Sacuudi Carabiya.

Weeraradan ayaa imaanaya afar maalmood kadib markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay ku dhacday garoonka caalamiga ah ee Abha ee koonfurta dalkaas, waxaana ku dhaawacmay sideed qof waxaana waxyeelo kasoo gaartey diyaarad rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM