Xuutiyiinta oo "qabtay" boqolaal kamid ah askarta Sacuudiga

Image

SANCA, Yemen – Xuutiyiinta Yemen aya sheegtay in ay qabteen boqolaal kamid ah askarta Sacuudiga kadib iska hor-imaad ku dhexmaray xuduudka labada dal.

Afhayeen u hadlay falaagadan ayaa u sheegay BBC-da in saddex Jeneraalo ay isku soo dhiibeen magaaladda Sacuudiga ee Najran.

"Kumanaan askar ayaan qabanay; tirro kelana waan dilnay," ayuu yiri Korneyl Yahiya Sarea. Sacuudiga wali kama jawaabin sheegashadda.

Howlgalkan ayaa ah midkii ugu balaarnaa oo noociisa ee ka dhaca aagaas tan iyo markii ay qaraxday colaada Yemen, sida uu sheegay afhayeenka.

Sarkaalka ayaa tibaaxay in ciidamadda Sacuudiga ay la daalaadhacayaa "dhibaatooyin culus oo dhanka nolosha iyo hubka ah".

Dhamaan kuwa la qabtay waxay kasoo muuqan doonan Telefishinka Xuutiyiinta afkooda ku hadla ee Al Masirah TV, ayuu daba dhigay.

Sheegashadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo Xuutiyiinta ay 14-kii September sheegteen weeraro lagu qaadey Ceelasha Shidaalka Sacuudiga.

Duulaankaas oo sameeyay suuqyada Saliida caalamka ayaa waxa uu la kulmay cambaareyn guud; dowladdo ayaa ku eedeeyay Iiraan balse Tehran way iska fogeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM