Xuutiyiinta oo weeraray garoon ku yaala Sacuudiga

Image

RIYADH, Suadi Arabia – Isbaheysiga uu Sacuudiga horkacayo ee la dagaalamaya xoogaga Xuutiyiinta ayaa sheegay in falaagadda reer Yemen ay Arbacada maanta ah weerareen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Axba.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xulafadda, weerarkaas ayaa sabbaay in uu dab qabsado diyaarad waqtigaas taagneyd garoonka isla markaana gaadiidka dab-damiska ay ka howlgaleen falka kadib.

Telefishinka Al Carabiya ee ay maalgeliso xukuumadda Riyadh ayaa wariyey in uusan jirin waxyeelo nafeed oo weerarka sababay.

"Weerar argagixiso oo fuleynimo ah ayay malyeshiyaadka Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Axba. Diyaarad rakaab ah oo garoonka joogtey ayaa qabsaday waana lagu guuleystay in la xakameeyo," ayuu TV-ga kasoo xigtay Isbaheysiga Carbeed.

Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer horey u weeraray garoonka Axba oo ku yaala koonfurta Sacuudi Carabiya kana mid ah kuwa ay ka degaan madaarada diyaaradaha caalamiga ah eek u yaala dalkaas.

Riyadh ayaa waxay la dagaalameysaa Xuutiyiinta oo la sheego in ay taageero ka helaan Iiraan tobbankii sano ee lasoo dhaafay.

Weeraradda Xuutiyiinta ku beegsadaan Sacuudi Carabiya ayaa sababay in Riyadh ay heegan geliso ciidamadeeda iyo dhamaan nidaamyadeeda difaaca kuwaasoo ay tirro dheer ah ku kordhisay sanadihii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM