Yemen: Gudoomiyihii magaalada Cadan oo la dilay

Image

Guddoomiyaha magaalada Cadan ee ku taal koonfurta dalka Yemen ayaa lagu dilay weerar qarax.

Kooxda la baxday dowladda Islaamiga ayaa sheegtay inay qaadeen weerarka, kaasi oo sidoo kale lagu dilay dhawr qof oo ka mid ahaa ilaalada guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Jacfar Maxamed Sacad ayaa ahaa xubin muhiim ah ciidanka dowladda Yemen taabacsan ee sanadkan horraantiisi ka saaray magaalada Cadan jabhadda mucaaradka ee Xuutiyiinta.

Madaxweynaha Yemen Cabdurabbu Mansuur Haadi ayaa ku dhawaaqay bishii Jult in magaalada Cadan ay si ku meel gaar ah u sii ahaato caasimadda.

Jabhadda Xuutiyiinta oo fadhigoodu yahay waqooyiga Yemen ayaa qabsaday qaybo badan oo dalka ah, oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Sanca.

BBC

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM