Yurub oo dib u celinaysa qaxootiga dhaqaale doonka ah

Image

25 August, 2015 (GO)- Madaxa arrimaha socdaalka waddamada reer Yurub ayaa ballan qaaday dagaal ka dhan ah kooxaha dadka tahriibiya, waxa uuna wacad ku maray in dib loo celin doono muhaajiriinta Yurub u yimid arrimo dhaqaale oo kaliya awgood.

Haseyeeshee waxa uu sheegay in in tobanaanka kun ee qof ee ka soo cararaya meelaha ay colaadda ka jirto ay xaq u leeyihiin in ay Yurub sii joogaan.

Cadaadiska iyo dhibaatada ka dhalatay dadka tirada badan ee magangelyada u soo raadsanaya waddamada reer Yuurb ayaa waxa ka dhalatay walaac ay qabaan waddamo badan.

Balse madaxa arrimaha socdaalka ee midowga Yurub ayaa sheegaya in midowga yurub ay saaran tahay mas'uuliyadda ah in uu caawiyo muhaajiriinta, taasi oo laga yaabo in waddamada qaar ayba haatan sameynayaan wax ka badan awoodooda.

Dimitris Avramopoulos ayaa waxa uu sheegayaa in uu farqi u dhaxeeyo dadka magangelya doonka ah ee ka soo cararay waddamad sida Suuriya, Libya iyo Eretria iyo kuwa yurub u yimid arrimo dhaqaale oo kaliya.

Waxa uuna intaasi ku daray in muhaajiriintu doonaya noolal ka wanaagsan tan ay waddamadooda ku haysataan oo kaliya ay tahay in dib loogu celiyo waddamadooda.

Si wax looga qabto arrinta muhaajiriinta yurub ku sii qul-qulaya ayaa Mr Avramopoulous waxa uu ballan qaaday dagaal ka dhan ah kooxaha abaabulan ee dadka tahriibiya, inkastoo uu haddana qirayo in dhibaatada ka dhalatay muhaajiriinta ay suurtagal tahay in ay saameyn ku sii yeelato yurub muddo sanado ah.

Xigasho:BBC

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM