Israa’iil: Caro ka dhalatay dhakhtar duray dhalmada Carabta

Image
Sarkaalkan caafimaad ayaa ku baaqay in la ganaaxo hooyooyinka Falastiiniyiinta ee dhala in ka badan 5 caruur ah.

DOOXA, Qadar - Sarkaal sare oo ka tirsan hay'adaha caafimaadka Israa’iil ayaa muujiyay cabsida "uurka Carabta", wuxuuna soo jeediyay ganaax lacageed la saaro hooyooyinka Falastiiniyiinta ah ee dhalaya in ka badan shan carruur ah si loo xaddido heerka dhalmadda Falastiiniyiinta ee ku hoos-nool maamulka Yahuuda.

Gideon Saxar, oo ah agaasimaha waaxda qalliinka wadnaha ee cisbitaalka Soroka ee Beersheba, ayaa ka hadlayay shir ay lahaayeen xisbiga midigta fog ee Yuhuudda halkaas oo uu ka gudbiyay su'aal uu waydiiyay wasiirka arrimaha gudaha Ayelet Shaked oo ku saabsan "dadka ugu dhibka badan", isaga oo ula jeeda muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israa'iil.

Hadalka Saxar ayaa carro iyo buuq ka dhex abuuray muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israa’iil kuwaasoo qeyb ahaan si xoog ah ay ciidamadda Yahuuda uga saareen guriyahooda.

Xirfadlayaasha caafimaadka ee Falastiin ayaa hadalkiisa ku tilmaamay mid cunsuriyad ah, waxayna dalbadeen in shaqada laga eryo "maadaama uu si toos ah u aflagaadeeyay bulsho dhan".

Ururka Dhakhaatiirta Carabta ee Negev ayaa gudbiyay codsi ay saxiixeen in ka badan 150 dhakhaatiir ah oo ku baaqaya in tallaabo edbin ah laga qaado dhakhtarka.

"Qof kasta oo u arka in uur-ku-jirka Carabta khatar yahay boos kuma lahan nidaamka caafimaadka, waxaana hubaal ah in aanu daryeeli karin quluubta Carabta," ayaa lagu yiri codsiga.

Muddo sanado ah, muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israa'iil waxay lahaayeen dhalmo ka sarreysa marka loo eego asaagooda Yuhuudda, taas oo muddo dheer walaac ka muujinayeen dad badan oo Israa'iiliyiin ah oo u arka inay khatar ku tahay sareynta tirada dadka ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, heerka bacriminta ee Falastiiniyiinta ayaa hoos uga dhacay 2.9% sanadkii 2022 halka uu ka ahaa 9.2% sanadkii 1960, marka la barbardhigo 3.0% oo ah dumarka Yuhuuda ah. Tani waxaa loo aaneeyay in ay sababtey beegsi abaabulan oo Yahuuda ku bilowday Falastiiniyiinta iyo kala geynta qoysaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM