Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho looga daahfuray madasha Somali Business, oo ah madal bixineysa xog sugan oo isugu jirta: warbixinno lagu falanqaynayo fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, saadaalinno ku saabsan isbeddellada suuqa iyo kobaca dhaqaalaha, daraasado la xiriira jihada ganacsiga iyo maalgashiga, iyo warbixinno lagu lafagurayo dhaqaalaha dalka.
Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale, waxbarashada, dhalinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo daneeya horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Aasaasaha iyo maamulaha madasha Somali Business, Dr. Abdinor Dahir, ayaa ugu horreyn xafladda daahfurka kusoo dhoweeyay martida, waxa uuna xusay muhiimadda ay Somali Business u leedahay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sababaha keennay aasaasitaanka madasha – oo ugu horrayn ujeedadeedu tahay in la helo xog habaysan oo sugan oo lagu go’aan qaadan karo.
Waxaa sidoo kale xafladda daahfurka Somali Business laga jeediyay qudbadooyin kala duwan, kuwaas oo lagu bogaadiyay laguna soo dhoweeyay furitaanka madasha Somali Business.
Waxaana martida kamid ahaa wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, mudane Mohamud Abdirahman Beenebeene, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, mudane Abdiqafar Hange, Dr. Hassan Adam Hosow oo ah lataliyaha madaxweynaha JFS ee arrimaha dhaqaalaha ahna guddoomiyaha golaha dhaqaalaha qaranka, Dr. Ahmed Khadar A. Jama oo ah guddoomiyaha ururka bangiyada Soomaaliyeed, guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe Dr. Ali Yasin Sheikh, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Cabdirahman Yusuf Al-adala, guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya, iyo marti sharaf kale.
Madashan ayaa la filayaa in ay noqoto isha koowaad ee laga helo xogaha maalgashi ee dalka, saadaasha suuqa, falanqaynta dhaqaalaha, iyo daraasadaha ganacsiga, iyadoo si gaar ah looga filayo in ay ka faa’iideystaan ganacsatada, dhalinyarada hal abuurka leh, iyo hay’adaha dowladda.
Dhammaan ka qaybgalayaashii xafladda ayaa si weyn usoo dhaweeyay madashan cusub, iyagoo muujiyay baahida loo qabo in xogaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya la habeeyo, lana helo meel isku keenta xogtaas oo si joogto ah looga heli karo.
Dhamaad