​10 qof oo lagu soo qabtay howlgallo laga sameeyay Baydhabo

Image

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa maanta magalada Baydhabo kasameeyay howlgalo lagu soo qab-qabtay ku dhawaad 10 ruux oo lala xiriirinayo weeraradi dhawaan ka dhacay xarunta maamulkaasi.

Dadka lasoo qabtay, waxaa ku jira mulkiilaha geerash la sheegay in weerarada qaybtood laga soo abaabulay, waxaana la tilmaamay dhammaan xubnaha in hadda su'aalo lagu weydiinayo saldhig ku yaalla xarunta gobolka Baay.

 Howl galkan ayaa la sheegay inay sahleen xog laga helay xubno katirsan kooxda Shabaab kuwaasi maamulka Koonfur Galbeed gacanta ku hayo.

Qaraxyo dhawaan ka dhacay bartamaha magalada ayaa waxaa ku dhintay ku in kabadan 20 ruux, waxaan mas'uuliyadda weerarkaashi sheegatay kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM