​11-kii xubnood oo go'aankooda lagu celiyay Guddiga Khilaafaadka

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxda Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa ka hadlay xubnaha 11 ah ee lagu celiyay doorashadooda taasoo ay soo gudbiyeen guddiga khilaafaadka.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka madasha, ayaa lagu sheegay in xubnahaas dib loo celiyo doorshadooda islamarkaana sida laga yeelayo arrimahooda ay go'aan ka gaari doonaan guddigii horay usoo gudbiyay.

"In kuraasta muranka gashay oo Guddiga Xallinta Khilaaftka Doorashooyinka hakiyey uu isla guddigan dib-u-eegis ku sameeyo ayadoo gundhig iyo qaddarin looga dhigayo macluumaadkii dheeriga ahaa ee kusoo ifbaxay xog-is-dhaafsigii iyo isu xog-warrankii dhexmaray xubnaha Madasha iyo xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka," Sidaas waxaa lagu sheegay War-murtiyeedka kasoo baxay hogaamiyaasha madasha.

Lama oga sida laga yeeli doono, balse madaxda madasha ayaa horay isugu dayay inay laalaan inkastoo arrintaas ay ka biyo diideen beesha caalamka, waxaa sidoo kale cadaadis uga imaanaya qaar kamid ah qaabaa'ilka oo qaybtood laga qaaday kuraastoodii.

Hoos ka akhriso xubnaha la diidayahay doorashadooda iyo beelaha ay kasoo jeedaan;

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM