1200 Qaxooti ka yimid Yamen oo gaarey magaalada Bosaso

Image
Image
Image
Image

BOSASO 26 April,2015 (GO)- Qaxooti gaaraya 1200 qof oo kasoo cararey dagaalada ka socda dalka Yamen ayaa soo gaarey maanta magaalada Bosaso.

Dadkaan oo isugu jiray dumar, caruur, dhalinyaro ayaa sheegey iney kasoo carareen duqeymaha ka socda magaalo madaxda dalka Yamen ee Sanca.

Dadka la socdey doonidaan waxaa ka hortagey saraakiisha gobolka barri iyo kuwa wasaarada caafimaadka kuwasoo noqanaya dufcadii labaad ee ugu badneyd oo soo gaarta Puntland. 

Dowlada Federaalka oo wasiirro ka tirsani saxaafada u sheegeen iney wax ka qabanayaan qaxootiga dalka Somalida ee ka imaanaya Yamen ayaa talaabo ka qaadin dadka ku soo qulqulaya Puntland iyo Somaliland.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM