14 qof ku dhimatay dagaal ka dhacay magalada Baladweyne

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Dagaal dhaliyay dhimashada 14 ruux iyo dhaawaca 20 kale ayaa maanta ka dhacay magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Dirirta ayaa dhexmartay labo mallayshiyo beeleed isku maan dhaafay gaari nooca xamuulka qaada oo mid ka mid ah mallaysiyaadkaasi dalbadeen canshuur, halka kooxda kale ku gacan sayrtay.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dagaalkaasi la isu adeegsaday, waxuuna ka dhacay xaafadda Hawlwadaag ee magalad Baladweyne

Waxaa socda dadaalo ay wadaan odoyaasha dhaqanka, taasi oo ay ku doonayaa sidii loo hakin lahaa dhiig mar kale daata.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM