Muqdishu: Shaqaale ka tirsan Qarmada Midoobay oo lagu dilay weerar gaari

Image

14 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Muqdishu ayaa sheeegaya inay dhinteen labo ruux kadib weerar gaari oo lagula eegtay wadada Maka Al-Mukarama.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa haweenay lagu magacaabo Aamino Nuur Maxamed kana tirsanayd hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo marxuum Cabdirasaaq Aadan Caddaawe oo la socday haweenaydaasi.

Dilka, waxaa gaystay Koox la socotay gaari nooca raaxada, waxayna rasaas ooda uga qaaday dadka dhintay. Wararka ayaa intaas ku daraya dhacdada ka hor in gaari lagu horgooyay shakhsiyaadka dhintay.

Ilaa hadda ma jirto faah faahin dheeri ah oo ka soo baxay weerarkaasi. Goobta waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga, waxayna baaritaano ka wadaan goobta dilku ka dhacay.

Lama garanayo shakhsiyaadka la dilay iyo sababta loo dilay. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM