​20 katirsan Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Baay

Image

BAYDHABO- Wararka aan ka helayno deegaanka Daynuunaay ee nawaaxiga magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in saaka ka bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab.

Faah faahin kala duwan ayaa kasoo baxaysa khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi, balse taliyaha ciidamada dowladda Somalia qeybta 60-aad ee fadhigoodu yahay gobolka Baay Ismaaciil Khaliif  Shire, ayaa warbaahinta u sheegay  inay dileen 20 ka mid ahayd maleeshiyada Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhigooda Daynuunay.

Kooxda Shabaab ayaa iyaguna soo saaray war kaas khilaafsan, waxayna sheegeen inay gacanta ku dhigeen saldhiga degmada Daynuunaay islamarkaana dileen 10 katirsan ciidanka dowladda Somalia.

Majirto cid si madax banaan u xaqiijinta arrimaha ku aadan dagaalkaasi oo imminka weli socda.

Kooxda Shabaab, ayaa weeraro gaadmo ah ka fulisa qaybo kamid ah Koonfurta Somalia kuwaasi oo ay ku beegsanayaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM