​20 katirsan Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Baay

Image

BAYDHABO- Wararka aan ka helayno deegaanka Daynuunaay ee nawaaxiga magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in saaka ka bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab.

Faah faahin kala duwan ayaa kasoo baxaysa khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi, balse taliyaha ciidamada dowladda Somalia qeybta 60-aad ee fadhigoodu yahay gobolka Baay Ismaaciil Khaliif  Shire, ayaa warbaahinta u sheegay  inay dileen 20 ka mid ahayd maleeshiyada Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhigooda Daynuunay.

Kooxda Shabaab ayaa iyaguna soo saaray war kaas khilaafsan, waxayna sheegeen inay gacanta ku dhigeen saldhiga degmada Daynuunaay islamarkaana dileen 10 katirsan ciidanka dowladda Somalia.

Majirto cid si madax banaan u xaqiijinta arrimaha ku aadan dagaalkaasi oo imminka weli socda.

Kooxda Shabaab, ayaa weeraro gaadmo ah ka fulisa qaybo kamid ah Koonfurta Somalia kuwaasi oo ay ku beegsanayaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM