200 qof oo ku dhimatey Badda u dhexeeya Libiya iyo Talyaaniga

Image

Ugu yaraan 200 qof ayaa la rumeysan yahay in Badda liqdey kadib markii 2 doonyood kula dageen xeebaha ku dhow dalka Libiya, sidaas waxaa yiri sarkaal u hadlay waaxda socdaalka.

Hay'ada qaxootiga aduunka UNHCR ayaa loo sheegey in dadkii ka badbaadey doonyahaas dagey la keeney jasiirada ku taal dalka Talyaaniga Lampedusa.

12 qof maydkooda ayaa la keeney sidoo ka Jasiiradaas. 

4200 dad muhaajiriin qaxooti ah ayaa dhintey sanadkaan gudihiisa kuwaasoo kasoo gudbayey Badda Mediterranean ee u dhexeysa dalka Libiya iyo Talyaaniga.

Hay'ada Qaxootiga aduunka ayaa ka digtey sanadkii 2016 in dadka muhaajiriinta ah kordhayaan iyadoo dad gaaraya 330000 qof ka gudbeen Badda sanadkaan marka loo eego 2015 oo qaxooti kor u dhaafaya Hal Milyan qaxooti ah galeen dalalka Yurub.

Saraakiisha hay'ada qaxootiga aduunka ayaa saxaafada u sheegey dadka ku dhintey shil badeedka ugu dambeeyey ay ku jireen caruur iyo dumar xaamilo ahaa halka kuwo kale la badbaadiyey.

Dadka qaxootiga ah ee ku dhintey doonyaha ugu dambeeyey ee dagey ayaa u badnaa dalalka Galbeedka Africa.

GAROWEONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM