25 sano kadib xoolo lagu dhoofiyay Kismayo iyo golaha wasiirrada oo la dhaariyay

Image

KISMAYO, Somalia- Waxaa maanta dekedda magaalada Kismayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka dhoofay 1200 neef oo Lo' ah kuwaasi oo loo qaaday waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta siday noo xaqiijiyeen mas'uuliyiin katirsan maamulkaasi.

Maareeyaha Dekedda Kismayo Axmed Xaaji Aadan, ayaa sheegay xoolaha la dhoofiyay maanta in laga keenay deegaanaada Jubbaland iyo qaybo kamid ah bartamaha Soomaliya, wuxuuna tilmaamay in caafimaadkooda la xubiyay.

Axmed Xaaji, wuxuu intaasi raaciyay in dhawaan bilaabi doonaan dhoofinta Khudradda kasoo go'ada gobollada maamulkaasi, isagoo xusay in haatan dekedda loo diyaariyay sidii wax looga dhoofin lahaa.

Dekedda Kismayo muddo kabadan 25 sano majirin xoolo looga dhoofiyay waddamada caalamka, sababo la xiriiray amni darro iyo dhibaato ka taagnaa, balse muddooyinkii dambe waxay u muuqatay mid dhibkaasi kasoo kabanaysa.

Dhinaca kale, waxaana maanta xarunta maamulkaasi ee Kismayo lagu dhaariya, madaxweyne ku-xigeennada maamulkaasi iyo golaha wasiirrada Jubbaland, waxaana dhaariyay guddoomiyaha Barlamanka maamulkaasi.

15 May, ayay ahayd markii Sheekh Axmed Madoobe soo saaray wareegto lagu magacaabay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, halka 18-kii isla bishaasina lagu dhawaaqay liiska xubnaha golaha wasiirrada Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM