400 oo qaxooti ah oo shalay galab Bosaso soo gaarey

Image

April 17, 2015 (GO)- In ka badan 400 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa shalay gelinkii dambe soo gaarey magaalada Bosaso.

Dadkan oo la socdey doon kasoo shiraacatey dekedda Mukallan waxay isugu jireen Soomaali, Yemeniyiin, Jabuutiyaan, Keenyaati iyo Itoobiyaan.

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM.

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo loo qaybiyey labo qaybood. Ragga si gaar ah ayaa loo soocey dumarka iyo carruurtana hal goob ayaa laysugu geeyey.

Markii u dhammadey baaritaanku, waxaa dadkan lagu daad gureeyey gawaari horay loogu sii diyaariyey, waxaana la geeyey goob la qorsheeyey in qaxootiga Yemen kasoo cararayaa si kumeel gaar ah u joogaan.

Ku dhowaad 1200 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey soo gaarey Puntland.

12345678910

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM