400 oo qaxooti ah oo shalay galab Bosaso soo gaarey

Image

April 17, 2015 (GO)- In ka badan 400 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa shalay gelinkii dambe soo gaarey magaalada Bosaso.

Dadkan oo la socdey doon kasoo shiraacatey dekedda Mukallan waxay isugu jireen Soomaali, Yemeniyiin, Jabuutiyaan, Keenyaati iyo Itoobiyaan.

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM.

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo loo qaybiyey labo qaybood. Ragga si gaar ah ayaa loo soocey dumarka iyo carruurtana hal goob ayaa laysugu geeyey.

Markii u dhammadey baaritaanku, waxaa dadkan lagu daad gureeyey gawaari horay loogu sii diyaariyey, waxaana la geeyey goob la qorsheeyey in qaxootiga Yemen kasoo cararayaa si kumeel gaar ah u joogaan.

Ku dhowaad 1200 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey soo gaarey Puntland.

12345678910

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM