47 qof oo ku afduubnaa gudaha Kenya oo lagu wareejiyay Jubbaland

Image

DHOOBLEY, Somalia- Dowladda Kenya ayaa Jubbaland ku wareejisay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo mudo ku afduubnaa gudaha dalkeeda, kuwaasi oo ay ku jiraan haween iyo caruur badan.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Dhoobley ee Jubbaland Haybe Axmed ayaa sheegay in xiriir ay la sameeyeen dowladda Kenya ay u suurta gashay in lagu soo wareejiyo la haystiyaasha oo gaaraya 47 qof.

Axmed Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegay in dadkani ay ku jireen Konteenaro, islamarkaana lagu hayay goob lagu magacaabo  Mingi, oo ku taalla dalka kenya, halkaasina ay maxaabiis ku ahaayeen.

Waxaa uu sheegay in Muwaadniintan Soomaaliyeed markii hore laga waday Somalia , islamarkaana la doonaayay in laga ganacsado, iyagoo looga sheekeeyay in La geynayo xerada Qaxootiga Dhadhaab.

"Dadkan waa dadka sida xun loola dhaqmo, ee laga ganacsado. Dadkan waxaa la mariyay Dhoobley iyadoo la leeyahay waxaa la adin geynayaa Dhadhaab, kadibna waxaa la geeyay Gaarisa, oo Kunteenar looga sii qaadey, lana geeyay Miingi," ayuu yiri Axmed.

Wuxuu sheegay in dadkan oo caruur iyo waayeello kamid yihiin qaarkood ay neef-qabatoobeen, islamarkaana ay dhibaato badan kala kulmeen kuwa afduubka u haystay, oo doonayay inay ka ganacsadaan.

Dadka ka gudba xuduuda Somalia iyo Kenya ayaa inta badan la kulma dhibaatooyinka kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM