​5 katirsan ciidanka AMISOM oo Muqdishu lagu xiray

Image

MUQDISHU- Ciidamo katirsan kuwa Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta iyo dhawr qof oo shacab ah ayaa maanta lagu xiray magalada Muqdishu, kadib markii lagu helay dambi ah inay iibinayeen agab ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Kooxahan oo lagu qabtay geerish ku yaalla agagaarka wakaaladdii hore ee Biyaha, waxayna faraha kula jiray iibinta agabyo isugu jiray; Shidaal, Sanaadiiqda Rasaasta, Jawaannada difaaca iyo Taleefoono.

Wasiirka amniga Soomalia, taliyaha ciidanka Booliiska iyo saraakiil kale ayaa gaaray goobta, waxayna sheegeen inay muddo ku daba jireen fal dambiyeedkan lagu helay 5 kamid ah ciidamada AMISOM.

Taliyaha ciidamada Boliiska Gen. Maxamed Sheekh Xaamud, ayaa xusay in Booliisku hayay xog sheegaysa khayaamaynta hantida loogu tala galay difaaca dalka islamarkaana muddo sugayeen qaabkii loo qaban lahaa raggan iyagoo ku jira dambiga loo haysto.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Cabdirsaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay inaysan arrintaasi ku cafin doonin ee ay gayn doonaan maxkamad iyaga iyo cidda u sahashay.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, ayaa isna goobta joogay, wuxuuna laamaha amniga ku ammaanay siday ula socdaan dhaqdhaqaaqa dambiilayaasha isagoo usoo jeediyay inay cadaaladda horkeenaan xubnaha la qabtay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay hogaanka ciidamada AMISOM.

Waa markii ugu horraysay ciidamo katisan Shabaab oo lagu helay khayaamaynta hantida ciidamadaasi lagu xiro magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM