5 qof oo ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay Muqdishu

Image

5 qof oo ku
MUQDISHU, Somalia- Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Somalia, ayaa galinkii dambe maanta ku dagaallamay magaalada Muqdishu, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay GO, u xaqiijiyeen goob joogayaal kus ugan degmada Hodon ee gobolka Banaadir, dagaalka ayaa ka dhacay goob lagu iibiyo Qaadka oo ku taalla nawaaxiga Daarta Saybiyaano oo inta badan halkaas ku ganacsadaan dad iibiya Maandooriyaha Jaadka.

Lama oga sababta keentay in labada ciidan goobta isku rasaaseeyaan, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay geerida Shan ruux oo u badan haween goobta ku gadi jiray Qaadka.

Waxaa sidoo kale jira dhaawac intaas kabada oo soo gaaray labada dhinac ee dagaallamay iyo dadkii goobta ka agdhawaa.

Laamaha ammaanka Muqdishu ayaa goobta gaaray, kuwaasoo kala dhexgalay labada ciidan ee dirirtu dhexmartay.

Magaalada Muqdishu oo inta badan ay ku suganyihiin ciidamo isugu jira, Milatary, Booliis iyo Sirdoon ayaa keentay in dagaal uu dhexmaro kuwaasoo mararka qaar kala shakiya, halka xilliyo kalena is-fahamwaa uu keeno inay dagaallaman.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka dowladda Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM